Doorashada Guud Waxayleedahay:

“Dhalinyarada maantu waa codbixiyayaasha barito”

Hay’ada layiraahdo Codbixinta Caruurta (Kids Voting) waa hay’ad samafal, waa hay’ad aan xisbina ka tirsnaayn oo loogu talagalay inay dadka yaryar barto muhiimada codbixintu u leedahay qofka Marayka ah. goolka laga leeyahay arintaan waa in la kordhiyo ka qaybqaadashada codbixinta ee dadka qaangaarka ah ayadoo codbixinta loo rogayo shaqo qoys. Markii ugu horaysay waxaa hadya’ada la yiraahdo kids voting lagu assaasay gobolka Arizona markay taariikhdu ahayd. 1988. Dugsiyada dadwaynaha ee St. Paul sharciga lagu meel marinayo arintaan wuxuu bilaabmay doorashadii madaxwaynanimada ee sanadii 2000. Hay’ada kids voting ee St. Paul waxay ka midtahay 10, 600 barnaamijyada codbixinta caruurta ah oo ku yaala dugsiyada dalka maraykanka.

“Waaya aragnimadu waa macalimka ugu wanaagsan!”

Barnaamijyada Codbixinta Caruurtu waxay la shaqeeyaan ardayda dugsiyada dawlada, iyo kuwa goonida loo leeyahayba si ay uga qayb qaataan habka codbixinta, waxayna ku caawinayaan fasalka gudihiisa iyo adeega gamcaha laga qabtaba. Casharada dugsiyadu waxay ilmaha u carbiyaan laga soo bilaabo dugsiyada xanaanada ilaa fasalada 12aad sidii ay u badran lahaayeen muhiimada ay leedahay in la noqdo qof masuul ah oo cod bixin kara.

Maalinta doorashada, codbixintu waxay noqotaa khibrad qoyska u koradha, maadaama ay ardaydu waalidka u raacayaan goobaha codbinta oo ay codkooda ula baxaan sida waaridiintu ay codkooda ula baxayaan. Caruurtu waxay la soo hoyandoonaan khibrad muhiiim ah oo la xiriirta sida codka loo bixiyo. Waxay kale oo ka faaiidayaan inay arkaan maxsuulka saamaynta oo lagu soo tabiyey isgaarsiinta lookalka ah laguna soo bandhigay boga internetka ee Codbixinta Caruurta (Kids Voting).

Cilmi baaris la sameeyey ayaa waxay muujinaysaa in bulshada haysata barnaamijyada Codbixinta Caruurta codbixintoodu kor u kacday sadex ilaa shan boqolkiiba.

“Doorashada wax uga adeeg”

Caawimaadaadu waxay lagama maarmaan u tahay inay ardaydu St. Paul bartaan barnaamijka Codaynta Caruurta kana bartaan arday kale. Ku soo biir! Codaynta Caruurtu waxay u baahantahay:

Si aad mutadawacnimo ugu shaqeeyso ama mucaawino uga gaysato goobaha Cod Bixinta ee St. Paul, la soo xiriir. Tel: 651-292-9085.

Wixii Akhbaar ah oo dheeraad ah:

Ma rabtaa inaad intaa wax ka badan ka ogaato barnaamika Codaynta Caruurta? waxaad booqataa bogaga kala ah:

www.kidsvotingstpaul.com

Mahadsanid!

Codbixinta Caruurta ee St. Paul waxay xubnaha bulshada ee soo socda aad ugu mahadsinaysaa taageeradoodii naxariista lahayd. Cadadkaani waa kii ugu dambeeyey oo soo baxay August 20.
Saint Paul Pioneer Press
City of Saint Paul
3M
Wells Fargo
The Spectrum Trust
Support Our Schools
Ramsey County
U.S. Trust
Western State Bank
Saint Paul Federation of Teachers
Minnesota Wire and Cable
Saint Paul Public Schools
United Way